"Waxaa lagu eedayay hees aan wali soo bixin" Cabdimajiid Maxamuud ay walaalo yihiin Khaalid Kaamil.
Jul 9, 2026•Channel
AI Analysis
Data from YouTube Data API v3•Updated Just now
Video Overview
Video Details
Published1 week ago
Duration3:52
Video ID_JCNU_uCIlA
Languageso
CategoryNews & Politics
PrivacyPublic
Made for KidsNo
Video TypeRegular Video
Performance Metrics
Views2.4K
Likes168
Comments12
Engagement Rate7.57%
Likes per 100 views7.06
Comments per 1K views5.04
Description
Magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland waxaa muddo labo todobaad ah ku xiran Khaalid Maxamuud Cabdillaahi (Khaalid Kaamil) oo ka mid ah fannaaniinta.
Inkastoo hay'adaha ammaanka Somaliland aysan weli si rasmi ah u shaacin sababta Khaalid loo xiray, haddana ehellada fannaanku waxay BBC-da u sheegeen in uu eersaday hees uu u qaaday magaalada Barakeysan ee Qudus.
Somaliland ayaa ka furtay safaarad magaalada Qudus (Jerusalem) bishii lasoo dhaafay, lix bilood ka dib markii Israa'iil noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, taas oo keentay cambaareyn ballaaran.
Cabdimajiid Maxamuud Cabdillaahi oo la dhashay fannaanka xiran ayaa sheegay in Khaalid loo haysto in uu cabbiray fikir uu isagu aaminsan yahay, balse uusan ku heesin wax Somaliland lid ku ah.
Cabdimajiid oo ka hadlayey sidii loo xiray walaalkiis ayaa sheegay in Sirdoonka Somaliland ay fannaanka ka soo qabteen gurigiisa oo ku yaal magaalada hargeysa, ka hor intii aysan ku wareejin waaxda dambi-baarista.
------------------------------------------------------------------------------------
Halkan uga soo biir TikTok-ga BBC Somali 👉🏽 https://www.tiktok.com/@bbcnewssomali
Waxaad sidoo kale nagala socon kartaa baraheena bulshada:
Website: https://www.bbc.com/somali
Facebook: https://www.facebook.com/bbcnewssomali
Instagram: https://www.instagram.com/bbcsomali/reels/
YouTube: https://www.youtube.com/@BBCNewsSomali/videos
WhatsApp: https://whatsapp.com/channel/0029Vb7CBbA0rGiHILXDlJ3u
X: https://x.com/bbcsomali