Muranka 15 May: Dowladda iyo mucaaradka maxay isku hayaan?

May 15, 2026Channel
AI Analysis
Data from YouTube Data API v3Updated Just now

Video Overview

Video Details

Published1 month ago
Duration1:00:00
Video IDxHS_UHqB4gw
Languageso
CategoryNews & Politics
PrivacyPublic
Made for KidsNo
Video TypeRegular Video

Performance Metrics

Views16.6K
Likes593
Comments26
Engagement Rate3.72%
Likes per 100 views3.56
Comments per 1K views1.56

Description

Doodda Jimcaha waxay maanta diiradda saaraysaa muranka ka taagan muddo-xileedka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, xilli ay Muqdisho ka socoto xiisad siyaasadeed oo u dhexeysa dowladda federaalka, mucaaradka iyo dhinacyo kale oo ka walaacsan jadwalka doorashooyinka. Su’aasha ugu weyn waa: muddo-xileedka madaxweynaha ma wuxuu dhammaaday 15 May 2026, mise sanad kale ayaa u dhiman? Dowladda federaalka waxay ku doodaysaa in isbeddellada dastuuriga ah iyo hannaan-doorasho oo cusub ay u baahan yihiin waqti dheeraad ah. Mucaaradka iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta kale waxay ku doodayaan in muddo-xileedka dastuuriga ah uu ku egyahay 15 May, ayna tahay in la helo heshiis siyaasadeed oo cad. Warbixinno dhowaan soo baxay ayaa sheegay in arrintan ay dhalisay xiisad siyaasadeed, bannaanbaxyo iyo dood ku saabsan sharciyadda hay’adaha federaalka. Waxaa doodda ka qeybgalaya: 1. Dr. Saleebaan Cali Xuseen, Wasiiru-dowlaha Xannaanada Xoolaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo doodda ku metelaya garabka muxaafadka. 2. Farxaan Cali, wasiir hore, kana tirsan mucaaradka. 3. Maxamed Mukhtaar, falanqeeye arrimaha siyaasadda ah. Doodda waxaa daadihinaya Ibrahim Aden, weriyaha BBC-da ee Muqdisho. Doodda waxay diiradda saaraysaa dhowr arrimood oo muhiim ah, oo ay ugu horreyso su’aasha ku saabsan muddo-xileedka Madaxweynaha Soomaaliya iyo sida loo fasirayo qodobbada dastuurka ee la xiriira waqtiga uu xafiiska hayo. Waxaa sidoo kale lagu falanqeynayaa sheegashada dowladda federaalka, ee ah in hannaan-doorasho oo cusub iyo isbeddello siyaasadeed ay u baahan yihiin waqti dheeraad ah, iyo jawaabta mucaaradka oo ku doodaya in muddo-xileedka madaxweynaha uu ku egyahay 15 May 2026. Doodda waxaa qayb ka ah mowduuca doorka beesha caalamka, gaar ahaan sida ay u aragto xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho iyo baahida loo qabo heshiis siyaasadeed oo lagu ilaaliyo xasilloonida dalka. Sidoo kale waxaa lagu eegayaa jadwalka doorashooyinka, suuragalnimada in dhinacyadu gaaraan is-afgarad, iyo saameynta uu murankan ku yeelan karo Muqdisho, hay’adaha dowladda iyo guud ahaan xasilloonida Soomaaliya. BBC Somali waxay dooddan u qabaneysaa si ay daawadayaasha ugu soo bandhigto aragtiyo kala duwan, macluumaad la xiriira muranka taagan, iyo falanqeyn ku saabsan waxa xiga. ----------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------- Halkan uga soo biir kanaalka BBC Somali 👉🏽 https://www.youtube.com/@BBCNewsSomali?sub_confirmation=1 Ku soo dhawow - kanaalka rasmiga ah ee YouTube-ka BBC News Somali. Kaga bogo muuqaallo isku dheellitiran oo ku saabsan wararka caalamka iyo kuwa Soomaaliya? BBC waa il lagu kalsoonaan karo oo laga helo wararka adduunka. Halkan waxaad ka heli doontaa dukumentariyo, warbixinno, cilmi-baarisyo, wareysiyo iyo falanqayn fiidiyow ah laga bilaabo siyaasadda, arrimaha bulshada, sayniska, caafimaadka iyo tignoolajiyada. Waad ku mahadsan tahay daawashada muuqaalladeena iyo ku taxnaanta kanaalka. Waxaad sidoo kale nagala socon kartaa baraheena bulshada: Website: https://www.bbc.com/somali Facebook: https://www.facebook.com/bbcnewssomali Instagram: https://www.instagram.com/bbcsomali/reels/ YouTube: https://www.youtube.com/@BBCNewsSomali/videos WhatsApp: https://whatsapp.com/channel/0029Vb7CBbA0rGiHILXDlJ3u X: https://x.com/bbcsomali

Related Videos

More videos from BBC News Somali